Musharaxiinta oo isku Khilaafsan Go’aankii ay ka qaadan lahaayeen Musuqa Doorashada

Waxaa shalay magaalada Muqdisho shir uga bilowday Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka , kuwaa oo ka arinsanayay Musuq maasuqa baahsan ay doorashada Aqalka Sare ee dalka ku bilaabatay.

Musharaxiinta qaarkood ayaa si weyn uga hor yimid natiijada kasoo baxday doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee ka dhacday maamulada qaar , waxa ayna sheegeen in aysan doorasho dhicin balse dad qaar ah kuraasta loo boobay.

Sida aan xogta ku helnay musharaxiinta qaar oo xubno taageersan ku leh xubnaha Aqalka Sare ee qaabka musuq maasuqa lagu doortay ayaa kahor yimid in la cambaareeyo doorashadii dhacday, waxa ayna sheegeen in waxii dhacay laga gudbo balse kuwa soo socda laga digtoonaado.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa maanta mar kale isugu yimid shirka ay uga arinsanayaan sida doorashada ku bilaabatay iyo walaaca ay ka qabaan in doorashada Aqalka Hoose iyana sida mida Aqalka Sare loo musuq maasuqay.

Musharaxiinta ayaana wadatashi dheer kadib shirkooda gaba gabadiisa kasoo saari doona war murtiyeed ay ku cadeenayaan aragtidooda ku aadan doorashadii Aqalka Sare iyo sida looga hortagi karo in la musuq maasuqo doorashada Aqalka Hoose,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -