Allbanaadir.com
NEWS

Raisul Wasaare Rooble oo War kasoo saaray Doorashadii maanta ka dhacday Afisiyooni

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeey xubnaha Guddoonka Gudiga Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT ee maanta oo Sabti ah is doortay.

Ra’isul Wasaaraha ayaa ku booriyay xubnaha guddoonka la doortay in ay dargaliyaan sida ugu dhaqsaha badan doorashooyinka iyaga oo kaashanaya Guddiga heer Federal ee FEIT.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay uu sii wadi doono waan waantii uu ka dhex waday siyaasiyiinta Somaliland ee ay kala hogaamiyaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’isul Wasaare ku xigeen Mahdi Guuleed.

Hadalka Raisul Wasaare Rooble ayaa kusoo aadaya xili maanta teendhada Afisiyooni ka dhacday doorasho hal dhinac ah, waxaana doorasha aan kasoo qeyb gelin xubnihii taageersanaa Gudoomiyaha Aqalka Sare.

Related posts

Britain oo 47 sano ka dib si rasmi ah u Macalasaameysay Midowga Yurub

Caydiid Ali

Sidee Gudoomiye Aadan Madoobe loogu soo dhoweeyey Riyadh (Sawirro)

Caydiid Ali

Xamse Barre oo daahfuray Mashruuc ay dad badan ka faa’iidi doonaan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---