Britain oo 47 sano ka dib si rasmi ah u Macalasaameysay Midowga Yurub

Britain ayaa xalay si rasmi ah uga baxday Midowgii Yurub, ka dib markii muddo  afar sano ah ka hor ay shacabka dalkaasi u codeeyeen sidaas.

Waxaa soo idlaaday 11 bilood oo ahaa waqtiga kala guurka, iyadoo sanadka cusub ee 2021-ka uu curtay Britain oo banaanka ka joogta Midowga Yurub .

Britain kuma shaqeyn doonto sharciyadii Yurub ee ay 50 sano u hogaansameysay sida ganacsiga xorta ah, Maxkamada Yurub, iskaashiga amaanka iyo dhanka socdaalka oo dadka Yurub ka yimaada ay joogi kareen kana shaqeysan jireen UK iyagoo aan dal ku gal u baahneyn.

Ra’isul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in UK ay heysato xoriyadeeda ayna arimaheeda u sameysaneyso si ka duwan oo ka wanaagsan sidii hore.

UK waxay Midowga Yurub  ku biirtay 1 Janaayo 1973, iyadoo dhinaca kale, Madaxweynaha faransiiska uu sheegay in UK ay ahaan doonto saaxiib iyo isbaheysi aysan marna ma maarmi doonin Yurub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -