Maxay ka wada hadleen Qoorqoor iyo wafdi ay horkaceyso Anita Kiki Gbeho? (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Xarunta Madaxtooyada Dhuusamareeb kula kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho iyo wafdi ay Hoggaaminayso oo maanta gaaray halkaas.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa  looga hadlay guud ahaan xaaladda Galmudug, arrimaha Doorashooyinka iyo sidii loo dardar gelin lahaa, amniga doorashada iyo Arrimaha horumarinta.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa dhinaca kale ka warbixiyay howlgalada ka dhanka ah al-shabaab iyo guulihii u danbeeyay oo laga gaaray.

Qoorqoor ayaa sidoo kale ka warbixiyay xaaladaha bini’aadanimo ee soo food saartay shacabka ku sugan degaanada dhawaan lagala wareegay Al-shabaab ee gobolka Mudug.

Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa dhinaceeda ku amaantay maamulka Galmudug dedaalka uu ugu jiro sugida amniga iyo dardar gelinta doorashooyinka, waxayna balan-qaaday in QM ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Galmudug iyo maamulada kale ee dalka.

Dhinaca kale, wafdiga ayaa kulan doceed la qaatay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug Marwo Faadumo Cabdi Cali (Faandhe) iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -