Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Ireland oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay wefdi uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga iyo arrimaha dibedda dowlada Ireland Simon Coveney TD.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa kusoo dhaweeyay wefdiga ka socda dalka Ireland Wasiirada Gaashaandhiga iyo Arimaha dibadda iyo Xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo Maxamed Cabdirisaaq.

Wasiirka Gaashaandhiga iyo arimaha dibadda Ireland ayaa kulan gaar ah la qaatay wasiirada gaashaandhiga iyo arimaha dibadda Soomaaliya, waxa ayna labada dhinac kawada hadleen xoojinta xariirka labada dal iyo sidii Ireland u taageeri laheynd DF.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaana la filayaa in faah faahin dheeraad ah ka bixiso ujeedka safarka Wasiirka Gaashaandhiga arimaha Dibadda dowlada Ireland iyo waxyaabihii labada dhinac isku afgarteen wadahadalada ay yeesheen kadib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamaas iyo Israel Maxay ka yiraahdeen kordhinta maalmaha xabad joojinta?

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan iyo Amiirka Qatar oo Tababar usoo xuray saraakiil saddex Dal kasoo jeeda (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan Shiikh iyo wafdi uu horkacayo oo Kenya u ambabaxay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---