Ciidamada DF Iyo kuwa Galmudug oo maanta la wareegay Saldhig Al Shabaab lahaayeen

Ciidamada milatariga dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta maamulka Galmudug oo wada socda ayaa xoojiyay duulaanka ay ku qaadeen deegaanada kooxda Al Shabaab ka maamusho gobolka Mudug.

Ciidamada huwanta ah ayaa maanta dagaal kula wareegay deegaanka Qaycad oo Al Shabaab saldhig weyn ku lahaayeen, waxaana saldhigyadii Al Shabaab deegaankaasi ku lahaayeen hada ku sugan ciidamada milatariga iyo kuwa daraawiishta Galmudug.

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah masuuliyiinta dagaalka hogaamineysa ayaa sheegay in hada joogaan deegaanka Qaycad ay ka saareen kooxda Al Shabaab.

”Todobaad dagaal aan kala joogsi lahayn oo argagixisada ka dhan ahaa, ugu danbayn waxaan fadhinaa taliskii argagixisadu ay Qaycad ku lahaayeen oo saakay ciidamada huwanti ahi ay kala wareegeen khawaarijta.” ayuu yiri Axmed Fiqi.

Ciidamada huwanta ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday howlgalo ay Al Shabaab kaga saarayaan deegaanada ay Mudug ka joogaan, waxaana dagaalkan si wadajir u hogaaminaya saraakiisha ciidanka dowlada iyo kuwa maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -