Booliska Itoobiya oo Addis ababa ku xirxiray boqolaal qof oo lagu tuhmay TPLF

Ciidanka Booliska Itoobiya ayaa sheegay inay xireen boqolaal qof oo lagu tuhunsan yahay inay taageerayeen jabhadda TPLF ee ka dagaallanta gobolka ku yaalla waqooyiga dalkaas

Dadkan waxaa laga qabtay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, Mas’uuliyiinta waxay beeniyeen in la beegsanayo qowmiyada Tigray

Taliyaha booliska Getu Argaw ayaa sheegay in albaabada la isugu dhuftay goobo ganacsi oo laga shakiyay inay lahaayeen dadkan la qabtay.

Kooxaha u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegay in qaar kamid ah dadkan la xiray la garaacay isla markaana loo kaxeystay meel ka baxsan magaalada Addis Ababa.

Ciidamo dhowr ah oo ka kala socda gobollada Itoobiya ayaa loo daabulay gobolka Tigray si ay dagaal ugu qaadaan jabhadda Tigray oo dhul badan qabsatay maalmihii la soo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -