Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dabaaldegyo lagu soo dhoweynayo TPLF oo caawa ka socda Makelle (Sawirro)

Dabaaldegyo waaweyn ayaa caawa ka socda magaalada Makelle ee caasimada gobolka Tigray ka dib markii ay halkaas dib ula wareegtay Jabhada TPLF.

Dadweyne faraxsan ayaa ku damaashaadaya waddooyinka magaalada, kuwaasoo soo dhoweynaya ciidamada TPLF ee magaalada soo galay caawa.

Ciidamada dowladda Itoobiya ee 8 bilood ka hor halkaas qabsaday ayaa isaga baxay magaalada ka hor inta aysan soo gelin xoogaga Tigray, waxaana horey u raacay Maamul KMG ah oo dowlada Itoobiya ay halkaas ka dhistay.

“Caasimadda Tigray, ee Mekelle gacanteena ayay ku jirtaa”,ayuu yiri Getachew Reda, afhayeen u hadlay TPLF oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Wararka ayaa sheegaya in xoogaga TPLF ay maalmahanba ku sii siqayeen magaalada Makelle, ayna ciidamada dowlada ka qabsadeen degaano badan oo u dhow magaaladaas.

Madaxweynaha KMG ah ee Gobolka Tigray Abraham Belay iyo maamilkiisa oo ka cararay galabta Makelle ayaa uu ku dhawaaqay xabbad joojin rasmi ah, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee FANA iyo Warbaahinta dawladda ee EBC.

Dagaalyahanada TPLF oo dib isu abaabulay ayaa todobaadyadii ugu dambeeyey guulo waaweyn ka gaaray dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowlada, lamana oga illaa hadda talaabada xigta ee RW Abiy Ahmed kaga jawaabayo xaalada soo korortay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Yaa bixiyey amarkii lagu weeraray hotelka DusitD2 ee Magaalada Nairobi?

Caydiid Ali

Madax Kala duwan oo ka hadlay Weerarkii Kismaayo iyo Wararkii ugu dambeeyay

admin

Hogaamiyihii Abaabulay Qaraxii masaajidka Daarul Faaruuq oo Xukun adag lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---