Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo xukun Dil ah ku fulisay Nin Hooyadiis iyo Walaalkiis Gowracay

Xarakada Al Shabaab ayaa shalay galab fagaare kuyaala deegaanka Shaw oo katirsan gobolka Hiiraan xukun dil qisaas ah kula fulisay nin lagu helay in uu dil argagax leh u geestay hooyadiis iyo Walaalkiis.

Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay fagaaraha xukunka qisaasta ah ku fulinayeen Al Shabaab, waxaana goobta lagu dilayay ninka dilka argagaxa leh u geestay hooyadiis iyo walaalkiis sidoo kale ku sugnaa saraakiil katirsan Al Shabaab.

Qaadiga Maxkamada Al Shabaab ayaa sheegay in Maxamed Calasoow Cabdi uu gowrac ku dilay hooyadiis Xaliimo Cusmaan Cumar oo 72 sana jir aheyd iyo walaalkiis Macallim Maxamuud Calasoow Cabdi .

Falalka argagaxa leh ayaa mudooyinkan kusoo badanayay gudaha Soomaaliya gaar ahaan raga dilaya waalidiintood iyo walaalahood, waxaa dhawaan sidaan oo kale Maxkamad Baydhabo kutaala xukun dil ah ku riday nin isna dilay hooyadiis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/efy__7pGtqc

Related posts

Somaliland oo beri laga soomayo Maalinta 1aad iyo Muuse Biixi oo shacabka la hadlay

Caydiid Ali

Daawo Axmed Madowe:-“ Dagaal dheer ayuu soo galay odayga ee War xildhibaanow aan is cafino!!

admin

Wasiir Xoosh: “Deni waa keligii taliye hurinaya colaad hubaysan”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---