Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muwaadin Soomaali ah oo xalay lagu dilay Magaalada Durbanville (Magaciisa)

Muwaadin Soomaali ah ayaa lagu dilay xalay degaanka Durbanville oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Allaha u naxariistee, Marxuumka ayaa Waxaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Caajis, goob-joogayaal ayaana sheegay in rag hubeysan ay rasaas Ku fureen. .

Lama oga sababta ka dambeysay dilka muwaadinkan iyadoo dableydii falka geysatay ay baxsadeen sida wararku sheegayaan.

Ciidama Boolis ah oo gaaray goobta lagu toogtay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa baaraya kooxdii dilka geysatay oo aan gacanta lagu dhigin.

Magaalada Cape Town waxaa ku soo kordhaya ugaarsiga Soomaalida sida dilalka dhaca iyo afduubka, waxaana sanadihii la soo dhaafay halkaas lagu dilay Soomaali fara badan oo dalkaas ka shaqeysta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaramada Midoobay oo maalin gaar ah u asteesay la dagaalanka Islaam naceybka

Cabdi Cade

Qaramada Midoobay oo digniin culus ka bixisay musiibo ku soo wajahan caalamka

Caydiid Ali

Mid kamid ah Dalalka Yurub oo qorsheenaya in dalka dib ugu soo celiyo 1,600 qof oo Soomaali ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---