Allbanaadir.com
NEWS

Lamaane lagu dhax dilay Gurigooda iyo Faah faahino laga bixiyay sida uu dilku u dhacay

Kooxo hubeesan ayaa xalay xiligii afurka waxa ay nin iyo xaaskiisa ku dhax dileen gurigooda oo kuyaala deegaanka Owdiinle oo kuyaala meel qiyaasii 25 km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Guddoomiyaha deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay Cali Xuseen Xasan ayaa sheegay in lamaanahan loogu galay laguna dhax dilay gurigooda xili ay afur u fadhiyeen, waxa uuna sheegay in ay baxsadeen ragii dilka ka dambeeyay.

Lamaanahan la dilay ayuu sheegay Gudoomiyaha in ay caan ka ahaayeen deegaanka, waxa uuna tilmaamay in ay ahaayeen ganacsato aan wax shaqo ah ku laheyn  siyaasadaha isdiidan ee dalka.

Ciidamada amaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgalo balaaran ka wada deegaanka Owdiinle , waxa ayna ciidamada baadigoobayaan kooxihii dilka ka dambeeyay.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne hore oo Dagaalka Laascaanood ku sifeeyay Dambiyo ka dhan ah…

Cabdi Cade

Shimbir kunool Afrika oo qofkii dila lagu xukumayo Xabsi Daa’in (Sawirro)

Cabdi Cade

Xukun adag oo lagu riday Wasiir Gloria Maya oo dil u geesatay qof ehelkeeda ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---