Israa’iil oo laga iibinayo hub casri ah oo lagu qiimeeyay Lacag ka badan $730 Milyan

Dowlada Mareykanka oo xiriir dhaw la leh maamulka Yahuuda Israa’iil ayaa ogolaaday in ay ka iibiyaan milatariga Israa’iil hub kala duwan oo casri ah kaa oo lagu qiimeeyay aduun lacageed oo gaaraya $735 Milyan.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joi Biden ayaa ansixiyay in maamulka Israa’iil laga iibiyo hub nuucyo kala duwan leh , waxa uuna Madaxweynaha fasaxay in shirkadaha Mareykanka hubkaasi ka iibin karaan maamulka Israa’il.

Hubkan dowlada Mareykanka ka iibineyso maamulka Israa’iil ayaa imaanaya xili ciidamada Israa’iil ay gumaad ku hayaan shacabka reer Falastiin gaar ahaan kuwa kunool magaalada Gaza iyo deegaano kale.

Dowlada Mareykanka ayaana mar kale hor istaagtay banaanka golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ku cambaareyn lahaa weerarada Israa’iil loogana dalban lahaa in ay joojiyaan dilka dadka shacabka ah.

Ciidamada Israa’iil ayaana maamo yar ku dilay dad ku dhaw 200-qof oo Falastiiniyiin ah ay ku jiraan caruur badan iyo haween, waxa ayna ciidamada Israa’iil wali wadaan duqeymaha ay la beegsanayaan magaalada Gaza.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -