Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) AFRICOM oo gaadiid Gaashaaman ku wareejisey ciidanka Kumandoska Danab

Taliska Howlgalka Mareykanka ee Afrika AFRICOM ayaa Ciidanka Kumaandoska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB ku wareejiyay Gawaarida Gaashaaman ee ay ku howlgalaan Ciidamada.

Gawaaridan ayaa door Muhiim ka qaadan doona howlgalka Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay dalka kaga ciribtirayaan Alshabaab sida ay sheegeen saraakiisha Danab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maraykanka ayaa gaadiidkan gaashaaman ku wareejiyey saraakiil ka tirsan Ciidanka Kumaandoska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB munaasabad ka dhacday Muqdisho.

Ciidanka Kumaandoska Danab oo uu tababaray Maraykanka ayaa ka mid ah ciidamada ugu tayada fiican ee dowlada Somalia, iyagoo dagaal adag kula jira kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Daawo: Farmaajo oo bilaabay xeelad cusub oo uu ku raadinayo muddo kororsi & Qaylo-dhaan ka timid sharciga Galmada

Caydiid Ali

Wafdi uu horkacayo Ra’isul Wasaare Hamza Cabdi Barre oo dalka ka dhoofay

Caydiid Ali

Shacabka Mareykanka oo u dareeray Doorashada xilligga dhexe (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---