Wafdi uu horkacayo Ra’isul Wasaare Hamza Cabdi Barre oo dalka ka dhoofay

Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo wafdi uu horkacayo  ayaa maanta safar ugu ambabaxay magaalada Addis ababa ee dalka Ethiopia.

Wafdiga Raisul Wasaaraha ayaa Addis ababa uga sii gudbaya magaalada Bahir-dar oo ay kaga qaybgali doona shirka caalamiga ee Madasha Tana oo looga hadlayo Amniga Qaaradda Afrika.

Waxaa Shirkaas ka qeyb galaya madax ka tirsan dowladaha Afrika. madaxweynayaal iyo heyaddo caalami ah, iyadoo lagu wado in raisul wasaaraha Somalia uu ka jeediyo khudbad ku aadan arrimaha amaanka geeska Afrika iyo kaalinta Somalia kaga aadan.

Waxaa sidoo kale kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa dhigiisa Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) iyo mas’uuliyiin kale, isagoo kala hadli doona arrimo kala duwan oo ku aadan Gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -