Sheekh Shariif iyo Xubno la Socday oo kulan xasaasi ah la qaatay Laftagreen (Sawirro)

Madaxweynaha Dowad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka kulan kula qaatay Madaxweynihii hore Dalka Mudane Shekh Shariif Shekh Axmed.
 
Kulanka Madaxda oo qaatay Saacado ayaa waxaa ay iska xogwaraysteen Xaalada Dalka Hormarka laga gaaray Arimaha Doorashooyinka iyo sida hore loogu socon lahaa loona dedejin lahaa doorashada golaha Shacabka .
 
Madaxweynihii hore Dalka Mudane Shariif Shekh Axmed ayaa Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ku bogaadiyey dadaalka uu ugu jiro sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho wada ogol ah horena loogu socon lahaa.
 
Midowga Musharxiinta uu hogaamiyo Sheekh Shariif ayaa shaki badan ka muujiyay sida ay ku socdaan doorashada golaha Shacabka, waxa ayna ku eedeeyeen dib u dhaca doorashada Dowlada iyo maamul goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -