Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday saldhig ay leeyihiin Milatariga Soomaaliya

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar qorsheesan ku qaaday saldhig ay ciidamada milatariga dowlada Soomaaliya ku leeyihiin degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Sida aan wararka ku helnay dagaal mudo kooban socday ayaa dhax maray ciidamada milatariga Soomaaliya iyo dagaalyahanada Al Shabaab ee weerarka ku qaaday saldhiga kuyaala Luuq.

Dadka ku dhaqan Luuq ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta kala duwan ay labada dhinac is dhaafsanayeen, dagaalka ayaana markii dambe joogsaday kadib markii dib u gurteen dagaalyahanadii weerarka soo qaaday.

Wali lama oga khasaaraha dhimasho iyo mid dhaawac ee ka dhashay dagaalkan xalay dhax maray ciidamada milatariga iyo kuwa Al Shabaab , xaalada degmada Luuq ayaana saakay ah mid degan, waxaana howlgalo wada ciidanka dowlada.

Al Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah xiliyada qaar ku qaada saldhigyada ciidanka dowlada ku leyihiin qaar kamid ah gobolada dalka, waxaana inta badan yaraada khasaaraha shacabka kasoo gaara weeraradaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -