Nin qashay, ka dibna cunay rag saaxiibadiis ahaa oo xukun adag lagu riday (Sawirro)

Nin u dhashay dalka Ruushan ayaa lagu xukumay xabsi daa’in ka dib markii lagu helay inuu diley kaddibna cunay maydka 3 nin oo ay saaxiibbo ahaayeen.

Eduard Seleznev oo ah 51-jir, kasoo jeeda degaanka Arkhangelsk oo dhacda gobolka woqooyi galbeed ee Arkhangelsk Oblast, ayaa saaxiibadii qashay intii u dhaxaysey Maarso 2016 ilaa Maarso 2017 sida dacwad oogayaasu soo xaqiijiyeen.

Seleznev ayaa Maxkamada sare ee Ruushka ka hor qirtay inuu tooreey ku dilay saaxiibadii kaddib markii ay hurdeen iyagoo cabsan, isagoo xusay inuu karsaday ka dibna cunay hilibkoodii.

Ninkan ayaa ragga uu qashay hilibkooda jarjaray, isagoo qeyb ka mid ah ku kaydsaday baco iyo qaboojiye, halka wixii soo harayna uu ku daadiyey webi magaalada ku yaalla.

Kiiskan ayaa argagax iyo fajac ku riday dad badan oo ku dhaqan dalka Ruushka ayaa si weyn u qabsaday warbaahinta caalamka saacadihii la soo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -