Ogow Ujeedka Villa Somalia ka leedahay Shirka Farmaajo Iclaamiyay in lagu qabto Garawe

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan iclaamiyay shir kale oo looga hadlayo arimaha doorashooyinka ee lagu muran sanyahay.

Farmaajo ayaana shaaciyay in shirkan lagu qabanayo magaalada Garawe, hasa ahaatee maamulka Puntland ayaa shaaciyay in aan laga tashan marti galinka shirkaasi xiligaana aysan diyaar u aheyn marti galintiisa, iyagoona ku baaqay in Muqdisho lagu qabto.

Codsiga Puntland ee ku aadan in shirka lagu qabto magaalada Muqdisho waxaa taageeray maamulka Jubbaland, Gudoomiyaha aqalka sare iyo musharaxiinta mucaaradka, kuwaa oo si wadajir ah ugu baaqay in shirka kasoo qeyb galaan saamileyda siyaasada dalka.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay in dhoor ujeedo ka leedahay in shirka lagu qabto Garawe , waxaana ujeedada koobaad lagu sheegay in Farmaajo uu doonayo in uu muujiyo in wali yahay Madaxweyne loona soo dhaweeyo sida Madaxweyne sharci ah.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Madaxweyne Farmaajo ujeedka uu u iclaamiyay in shirka ka dhaco Garawe tahay in Puntland diido marti galinta shirkaasi sidaasna shirku ku fashilmo ama dib u dhac  ku yimaado.

Khuburada siyaasada ku xeel dheer ayaa sheegay in ujeedka Madaxweyne Farmaajo shirkan u iclaamiyay aheyd in uu uga gudbo dooda golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ka yeelaneysay xaalada Soomaaliya gaar ahaan muranka doorashada ka taagan

Dowlada Soomaaliya ayaa meesha ka saartay cudur daarka Puntland ee ku aadan marti galinta shirka, waxa uuna Wasiirka Warfaafinta sheegay in shirkaasi uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo lagu qabanayo Garawe loogana hadlayo arimaha doorashada.

Maamulada taageersan dowlada federalaka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin shirkan cusub ee Madaxweyne Farmaajo iclaamiyay iyo dooda ka taagan goobta shirkan lagu qabanayo, waxaana loo badinayaa in maamulada taageeraan Mowqifka Dowlada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -