Wasiirada Amniga iyo Waxbarashada oo Jowhar gaaray iyo Warar kala duwan oo …

Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow iyo Wasiirka Waxbarashada Cabdulaahi Goodax Barre ay wehliyaan Xildhibaano ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.

Wafdiga Wasiirada iyo Xildhibaanada isugu jira ee goordhaw gaaray magaalada Jowhar waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan Maamul goboleedka Hirshabelle.

Wali lama oga ujeedka safarka ay  ku tageen Jowhar masuuliyiintan deegaan doorashadooda tahay Hirshabelle, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ujeedka safarkooda uu yahay xal ka gaarida mad madow soo kala dhax galay Dowlada iyo Hirshabelle .

Maamulka Hirshabelle ayaa dhawaan deegaanadooda kasoo eryay kormeerayaasha Imtixaanka shahaadiga ee Wasaarada Waxbarashada u dirtay, waxa uuna Madaxweynaha Hirshabelle shaaciyay in Imtixaanka iyagu qaadan doonaan.

Dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u wanaagsan, waxaana maamulka Hirshabelle uu kamid yahay maamulada sida weyn u taageera Dowlada federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -