Madaxweyne Qoor Qoor oo ka hadlay Howlgalka ka bilowday Mudug iyo la wareegida Ceelhuur

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdikaariye (Qoorqoor) ayaa goordhaw war saxaafadeed uu soo saaray uga hadlay howlgalada ka bilowday Koonfurta gobolka Mudug gaar ahaan deegaanada hoostaga Xarardheere.

Qoor Qoor ayaa boggaadiyay howlgalada ciidanka xoogga dalka, kuwa daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka iska kaashadeen ee Al Shabaab looga saaray deegaanka Ceelhuur.

”Dowladda Galmudug waxay bogaadineysaa howlgalka ciidamada qalabka sida, Daraawiishta Galmudug iyo ciidanka kacdoonka dib u xoreynta ay ku xoreeyeen deegaanka Ceelhuur oo Al Shabaab horey u heesteen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Qoot Qoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa amaanay ciidamada qalabka sida, daraawiishta Galmudug iyo kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al Shabaab, waxa uuna cadeeyay howlgalka bilowday in uu yahay mid Al Shabaab looga sifeenayo deegaannada Galmudug ka joogaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -