Qaramada Midoobay oo War kasoo saartay Shirka ay isugu imaanayaa DF iyo Maamulada

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay shirka ay mar kale isugu imaanayaan Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ee looga arinsanayo khilaafka doorashada ka taagan.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweenayaan shirkan uuna muhiim u yahay dhinacyada Soomaaliya, waxa ayna Qaramada Midoobay ku baaqday in isku tanaasul iyo heshiis gaaraan Madaxda Soomaalida.

“ Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweynayaan shirka uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ isugu yeeray Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Fedaraalka ah magaalada Dhuusamareeb, waxa ayna ku boorrinayaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay heshiis isku tanaasul gaaraan si degdeg loogu fuliyo nuucii doorasho ee  17-kii Sebtember.

Shirka ay isugu imaanayaan Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa markii hore waxaa dalbaday madaxsda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo iyaga kasoo horjeeda sida Dowlada Federaalka wax u wado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -