Allbanaadir.com
NEWS

Duqeyn lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen Saraakiil katirsan Al Shabaab

Diyaaradaha dagaalka Dowlada Mareykanka ayaa duqeyn la beegsaday deegaan kuyaala duleedka magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, waxaana duqeyntaasi lagu soo waramayaa in khasaaro kala duwan ka dhasheen.

Duqeynta ayaa lala beegsaday deegaanka Ma’madoow oo 40km u jira degmada Xudur, waxaana duqeynta la sheegay in lala beegsaday xarun ay lahaayeen Al Shabaab oo xiligaasi joogeen saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeynta lala beegsaday fariisin Al Shabaab laheyd, waxa ayna dowlada xustay in duqeyntaasi lagu dilay saraakiil iyo dagaalamayaal katirsan Al Shabaab.

Milatariga Mareykanka oo inta badan fuliya duqeynaha Al Shabaab lala beegsado ayaan wali ka hadlin duqeyntan, waxaana la filayaa in taliska ciidamada Mareykanka ee Afrikom war kasoo saaraan duqeyntan ka dhacday gobolka Bakool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo si weyn loogu soo dhaweeyay Bujumbura (Sawirro)

Cabdi Cade

Shirkad caan ku ah sameynta Gawaarida oo amar iyo canaan la isugu daray !!

Cabdi Cade

Shir taliyaal ciidan ku yeesheen Muqdisho oo 7 qodob laga soo saaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---