Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo Walaac ka muujiyay Eex iyo Qaraabo kiil ka dhax bilowday Milatariga Somalia

Dowlada Mareykanka ayaa walaac xoogan ka muujisay Musuq maasuq, qaraabo kiil iyo eex ka dhax bilaabatay ciidanka milatariga Soomaaliya, xili Mareykanka dhaqaalo badan ku bixinayo dib u dhiska ciidanka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya lana soo dhigay Twitterka ayaa lagu sheegay in ay taageerayaan dib u habeynta waaxda amniga ee Soomaaliya, oo ay xuseen in ay horseedeyso mustaqbal ifaya .

Safaarada Mareykanka qoraalka kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in musuq maasuqa ,eexda iyo qaraabo kiilka ka dhax jira ciidanka in ay saameyn ku yeelaneyso horumarka ayna wiiqeyso amniga dalka ayna xoojineyso kooxaha cadawga ah.

” Mareykanka waxa uu taageerayaa dib-u-habeynta waaxda amniga ee u horseedaya mustaqbal ifaya Soomaaliya iyo Soomaalida oo dhan. Musuqmaasuqa iyo eexda ayaa dib u dhac ku sameynaya horumarka, waxay wiiqeysaa amniga dadka Soomaaliyeed, waxayna xoojineysaa cadawga Soomaaliya.” ayaa lagu yiri qoraalka Mareyaknka.

Qoraalkan kasoo baxay dowlada Mareykanka ayaa kusoo aadaya xili isbadal lagu sameeyay qaar kamid ah hogaanada iyo talisyada ciidanka milatariga Soomaaliya, waxaana isbadalkaasi oo ahaa mid siyaasad salka ku haysa ka dambeysa Villa Soomaaliya.

Tan iyo markii meesha uu ka baxay Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa waxaa isbadal lagu sameeyay hogaanada ciidanka milatariga Soomaaliya qaarkood, waxaana meesha laga saaray saraakiil fir fircoon iyadoona lagu bedelay kuwa eex iyo qaraabo kiil lagu keenay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska Mareykanka oo ka hadlay sababta ay u xireen Ilhan Cumar & Xildhibaano kale

Caydiid Ali

Xasan Ruuxaani oo Fariin adag hawada u mariyay Dowlada Mareykanka

Cabdi Cade

Nin ka carooday furriinka xaaskiisa oo 35 qof ku dilay Zhuhai

Caydiid Ali
Taboola Ads ---