Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Dagaal khasaare geystay oo saaka ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Iska horimaad xooggan oo muddo kooban socday ayaa la soo sheegayaa inuu saaka ka dhacay xaafado ka tirsan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta caasimada Galmudug.

Wararku sheegayaan in iska horimaadku dhexmaray maleeshiyooyin hubeysan oo iska horjeeda, kuwaasoo ku muransanaa dhul ku yaala magaaladaas oo mudooyinkanba la isku heystay Milkiyadiisa.

Ugu yaraan hal ruux ayaa halkaas ku dhintay, kaasoo la sheegay inuu ahaa ganacsade magaciisa lagu sheegay C/llaahi Caabi, halka ay ku dhaawacmeen qaar kale.

Xaalada ayaa degan, waxaana goobta gaaray ciidamada amaanka maamulka Galmudug o halkaas ka wada baacsiga kooxaha dagaalamay ee uu gacantooda ku baxay ganacsadaha la dilay o si weyn looga yaqaano magaaladaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Marka aad la faqdo fekerka Fayow iyo Faa’iidada ka dhalan karta.

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada oo xilka la wareegay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxda Dowlad Goboleedyada oo todoba qodob kasoo saaray Khilaafka Farmaajo & Rooble

Cabdi Cade
Taboola Ads ---