Waa sidee xaalada Jilaaga caanka ah ee Sunny Deol oo laga helay cudurka COVID-19?

Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood Sunny Deol, ayaa laga helay cudurka Covid-19, sida uu sheegay xoghayaha caafimaadka ee gobolka Himachal Pradesh

Xoghayaha caafimaadka ee gobolka ayaa warbaahinta PTI u sheegay in jilaaga iyo saaxiibadiisa ay qorsheynayeen inay aadaan magaalada Mumbai balse markii la baaray lagu arkay cudurka.

Sunny Deol oo sidoo kale xildhibaanka Baarlamaanka ee ka tirsan xisbiga BJP ee dalkaas xukuma ayaa la sheegayaa in haatan la dhigay isbitaal, lana karantiilay, waxaana la sheegay in xaaladiisa ay wanaagsan tahay

Dhowaan ayey aheyd markii Jilaaga caanka ah ee Amitabh Bhachan, wiilkiisa Abhishek iyo gabadha uu sodoga u yahay ee Aishawarya rai laga helay cudurka COVID-19 inkastoo ay ka soo bogsadeen.

Dalka India oo ka mid ah dalalka ugu dadka badan caalamka ayaa waxaa kulul ku haya cudurkan oo illaa hadda la soo sheegayo iney dad badan oo kumanaan gaaraya ugu dhinteen, halka qaar kalena ay weli la ildaran yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -