Sacuudiga oo si cad u inkiray kulankii dhexmaray Netanyahu & Bin Salman

Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga ayaa si kulul u beeniyey warar ay baahiyeen warbaahinta qaar oo sheegayey in ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu Axaddii socdaal qarsoodi ah ku tegay dalkaas, lana kulmay dhaxal-suge Maxamed Bin Salman.

“Waxaan arkay wararka warbaahinta ee ku saabsan kulan la sheegay inuu dhex-maray dhaxal-suge Maxamed Bin Salman iyo saraakiil Israa’iiliyiin ah intii lagu guda jiray booqashadii uu Pompeo. Wax kulan noocaas ah ma dhicin. Saraakiisha rasmiga ah ee joogtay waxay ahaayeen Mareykan iyo Sacuudiyaan,” ayuu yiri Amiir Faisal bin Farhan Al Saud oo qoraal soo dhigay twitter.

Warbaahinta Israel ayaa shalay ku warramay in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu booqasho sir ah Axaddii ku tegay Saudi Arabia, halkaasoo uu wada-hadallo kula yeeshay dhaxal-suge Mohamed bin Salman iyo xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo.

Wasiir ka tirsan xukuumadda Benjamin Netenyahu xubinna ka ah xisbiga Likud, ayaa qiray warar ay warbhaaninta Israel tabisay oo sheegaya ra’isal wasaaraha dalkaas, Benjamin Netenyahu, uu shalay Axaddii socdaal qarsoodi ah ku tagay dalka Sucuudiga, waxaanu ku tilmaamay tallaabo “muhiim ah”.

Yoav Galant, wasiirka waxbarashada, oo waraysi siiyey Raadiyowga milatariga Israel ayaa yidhi “xaqiiqada la hubaa waa in kulankaasi dhacay. Waana arin wax ku ool ah xataa hadaan si rasmi ah loo shaacinin.”

Madaxda Sacuudiga, oo taariikh ahaan lagu yaqaanno inay dhaliilaan Israa’iil iyo sida ay ula dhaqanto Falastiiniyiinta, ma waxay ugu dambeyn kusii dhawaanayaan inay hagaajiyaan xiriirka ay la leeyihiin waddanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -