Dal ka tirsan qaarada Yurub oo Mamnuucay guurka dadka ilmo adeerka ah (Sababta)

Aqlabiyada Guddiga cadaalada ee baarlamaanka Norway ayaa u codeeyay in la mamnuuco guurka dadka Ilmo adeerada iyo ilmo abtiga ah isku ah.

Xisbiga shaqaalaha (AP) iyo xisbiga horumarka (FRP) ayaa u dabaaldegay codbixinta, kuwaasoo markii hore keenay sharcigan.

Talaabadan ayaa looga gol leeyahay in looga hortago guurka qasabka ah iyo dadka sida sharci darada ah ee Norwey qasabka lagu keeno.

Sida uu qoray wargayska VG, muxaafidka ayaa u codeeyay diidmo laga mamnuucay guddiga cadaaladda khamiistii.

Arrintani waxay ahayd arrin muhiim u ah xisbiga shaqaalaha iyo guul weyn oo u soo hoyatay xorriyadda haweenka iyo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan cidda ay la noolaan karaan, ayay afhayeenka arrimaha isdhexgalka Siri Gåsemyr Staalesen oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha u sheegtay wargeyska.

Sharcigan ayaa xad gudub ku ah dadka heysta diinta Islaamka oo baneyneysa guurka dadka ilmo adeerka iyo ilmo abtiga isku ah.

Norway ayaa ugu horeeya wadamada Scandinavianka ee soo saara Sharciyada ugu cajiibka badan qaarada Yurub iyo caalamka intiisa kaleba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -