Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Haweeney 85 sano jir ah oo lagu kufsaday beer ku taalla duleedka degmada Afgooye

Haweeney da`deeda lagu qiyaasay 85 ilaa 95 sano jir ayaa lagu kufsaday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose sida uu xaqiijiyey maamulka degmadaas

Guddoomiyaha degmada Afgooye Ibraahim Cumar Qaasim ayaa sheegay Ninka falkan geystay oo da`diisa lagu sheegay 30 jir ay hadda booliisku gacanta ku hayaan.

Haweeneydan oo xilligii uu falku dhacayay 27-kii bishan ku sugneyd beerteeda oo ay ari ku ilaalineysay waxaana haatan lagu dabiibayaa isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho oo la geeyey.

Falkan ayaa argagax iyo hadal heyn badan ka abuuray degmada Afgooye iyo degaanada la xiriira.

Falalka kufsiga ah ee loo geysanayo haweenka da’da ah iyo caruurta ayaa mudooyinkan ku soo badanayey degaano ka mid ah dhulka Soomaalida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Walaac cusub oo Ahlu sunna ka soo wajahay Doorashada Maamulka Galmudug

admin

Sheekh Aadan Madoobe oo kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiil Itoobiyaan ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo cadeysay sababaha dalka looga ceyriyey safiirka Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---