Madaxweyne Farmaajo oo loogu hanjabay in Durbaano lagu yeerin doono hadii uu ka hadlo…

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa in Xildhibaanada Golaha shacabka horgeeyo Ra’isul Wasaaraha magacaaban ee Maxamed Xuseen Rooble si Xildhibaanada codka Kalsoonida ugu qaadaan.

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac ayaa Madaxweyne Farmaajo uga digay marka uu Xildhibaanada horkeenayo maanta Ra’isul Wasaaraha cusub in uu ka hadlo heshiiskii doorashada ee dhawaan Muqdisho lagu gaaray.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka hadii Madaxweyne Farmaajo isku milo kalsooni siinta Ra’isul Wasaaraha cusub iyo ka hadalka arinta doorashada in Madaxweynaha ku yeerin doonaan durbaano ka darnaan doono firimbigii.

“Haddii Madaxweynaha isku dayo inuu nagala hadlo arrinta doorashada awal Firimbi ayaa la yeerin jiraye Durbaano iyo wax ka daran baaralamaanka lala soo geli doono oo aan ku yeerin doonaa” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Shire.

Xildhibaan Cabdi Shire ayaa sheegay in Xildhibaanada kasoo horjeedaan heshiiskii dhinaca doorashada ee Muqdisho ku gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda kale ee dowlad goboleedyada dalka.

Waxa uu kula taliyay Cabdi Shire in Madaxweyne Farmaajo ka fiirsado in uu mataaneeyo kalsooni siinta Ra’isul Wasaaraha iyo ka hadalka doorashada, waxa uuna xusay in Xildhibaanada careesan kala kulmi karo belo sida uu tilmaamay.

Xildhibaanada golaha shacabka qaarkood ayaa kasoo horjeeda heshiisdkii dhinaca doorashada ee dhawaan gaareen Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulada, waxa ayna Xildhibaanadan gadaal ka riixayaan wali mudo kordhin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -