(Sawirro) Muxuu yahay Shirweynaha Madaxweyne Deni ka furay Garoowe?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa furay Shirweynaha Sanadlaha ah ee Qurbojoogta Puntland oo muddo saddex Beri ah ka socon doona Caasimada Garoowe.

Shirweynaha ayaa waxaa isugu yimi Qurbojoogta Puntland oo uu hoggaaminayo Guddoonkooda, waxaana maalmaha uu socdo ay ka doodi doonaan arrimo Dhowr ah sida Waxyaabaha u qabsoomay, Sidii ay u horumarin lahaayeen doorkooda ku aadan horumarka Puntland, Maalgashiga iyo kaalintooda Dowladnimada iyo hannaanka dimuqraadiyadda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay kaalinta Qurbojoogta Puntland, wuxuuna u rajeeyay in Shirka uu kasoo baxo maxsuul ku dhisan qorsheyaal jaango’an oo ku saabsan horumarka dhinac walba Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya.

Waxaa Munaasabadda ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ee TPEC, Ururada Bulshada, Ganacsato, Haldoorka Puntland iyo marti sharaf kala duwan oo lagu casumay.

Dadka Isticmaala Twitter-ka ayaa si adag ugu codeeyay ra’yi ururin loogu talagalay Elon Musk inuu ka tago jagada madaxa fulinta ee shabakadaas, taasoo ah falcelin ka dhan ah bilyaneerkan wax ka yar laba bilood ka dib markii uu la wareegay shirkadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -