Siyaasi labo sano kahor geeriyooday oo la aasay kadib markii Wiilkiisa Madaxweyne noqday (Daawo Sawirada)

Siyaasiga Etienne Tshiseked oo u dhashay dalka Koongo ayaa lagu aasay magaalada uu ku dhashay , waxaana siyaasigan magaalada Brussels ee caasimada dalka Biljamka ku geeriyooday bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii.

Meydka siyaasigan oo mucaarad ku ahaa dowladii uu hogaaminayay Madaxweyne Joseph Kabila ayaa mudo lagu hayay dalka Biljamka, waxaana sababta aan loo aasin lagu sheegay in aysan isku fiicneyn Madaxweyne Kabila oo dhawaan xukunka ka degay.

Meydka Siyaasigan ayeyna suurto gashay in dalkiisa hooyo la keeno kadib markii wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Felix Etienne Tshisekedi ku guuleestay doorashadii dhawaan ka dhacday dalkaasi .

Madaxweynaha Koongo uu dhalay siyaasiga meydkiisa la keenay Koongo iyo siyaasiyiin badan ayaa garoonka kusoo dhaweeyay, waxaana aaska siyaasigan oo caan ka ahaa dalkaasi ka qeyb galay madax iyo dadweyne kale oo badan.

Etienne Tshisekedi ayaa geeriyooday isaga oo 84-sano jir ah, waxa uuna siyaasigan horey usoo noqday Wasiirka arimaha gudaha Koongo, waxa uu sidoo kale ku guul dareestay in uu dalkaasi Madaxweyne ka noqdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -