Xasan Ruuxaani oo Fariin adag hawada u mariyay Dowlada Mareykanka

Madaxweynaha dalka Iran Xasan Ruuxaani ayaa maanta sheegay in haddii Maraykanku uu ka baxo heshiiskii ay dunidu la gashay dalkiisa ay taasi Washington ka qoomameyn doonto.

Xasan Ruuxaani ayaa hadal TV-ga laga baahiyay ku sheegay in haddii Mareykanku uu dhankiisa buriyo heshiiska Nuclearka uu kaga shallaayi doono si aan taariikhda horey u soo marin.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in 12-ka bishan May uu go’aamin doono in dalkiisu uu kusii jirayo heshiskaasi iyo in kale.
Waxa uu sheegay in uu heshiiskaasi ka bixi doono haddii aan wax ka baddal lagu sameynin, gaar ahaan hindisaha jaan-goynta barnaamijka gantaallaha Ballistiga ah, kaasoo Iiraan ay u aragto difaac adag oo ay leedahay.

Wasiirka arrimaha dibedda Iiraan ayaa Khamistii sheegay in dalkiisa aanu waan-waan kale ka galeynin heshiiskii quwadaha waaweyn iyo Iiraan ay ka gaareen dhanka Nuclearka.

La taliyaha dhinaca siyaasadda ee hogaamiyaha sare ee dalkaasi Aayatullaahi Cali Al-khaamini’i ayaa ka digay in dalkiisu uu gabi ahaanba ka laaban doono heshiiskaasi, haddii Trump uu horey ugu sii socdo cagajugleyntiisa ah inuu ka bixi doono heshiiskaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -