(Akhriso) Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad oo la soo saaray

Kusimaha Duqa Muqdisho ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Md. Axmed Xasan Iimaan, ayaa ugu horeyn ku amaanay Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir dadaalka ay muujiyeen mudadii yareed tan iyo markii Gobolka Banaadir uu Wasaarada Waxbarashada kala wareegay Maamulida Waxbarashada Gobolka Banaadir.

Imtixaanka Shahaadiga fasalka 8-aad ee sanadkaan ayaa waxaa u fariistay Arday gaareysa 25,426, iyadoona lagu qabtay 73 Xarumood oo hoos yimaada Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Axmed ayaa sidoo kale Hambalyo iyo Boogaadin u diray Ardeydii ka qey-gashay Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8-aad, Waalidiinta, Macalimiinta iyo Dhamaan Bahda Waxbarashada, dadaalka iyo Juhdiga ay ku bixiyaan Waxbarashada.

Kusimaha Duqa Muqdisho, ayaa balan qaaday in 10-ka Arday ee ugu sareysa ay heli doonaan Waxbarasho lacag la’aan ah Afarta sano ee Dugsiga Sare, taasi oo ay ku muteysteen buu yiri dadaalka iyo juhdiga ay ku bixiyeen Waxbarashada, Asigoona dhinaca kale xusay in lasii laba jibaari doono tayeynta Waxbarashada Gobolka Banaadir.

Ugu dambayntii waa markii ugu horeysay muddo 30-sano kadib uu Maamulka Gobolka Banaadir qaado Imtixaanka fasalka 8-aad ee Dugsiyada Waxbarashada Gobolka Banaadir ee Caasimada dalka Soomaaliya.

HALKAN KU DHUFO SI AAD U OGAATO NATIIJADA IMTIXAANKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -