(Akhriso) Puntland oo shuruudo adag ku xirtay ka qeyb galka Shirka Dhuusamareeb

Maamulka Puntland ayaa caawa soo saaray War-saxaafadeed uu ku cadeynayo mowqifkooda ku aadan Shirkii lagu balansanaa ee Dhuusamareeb 3.

Puntland ayaa ku eedeysay madaxda DF iney ku kaceen arrimo lagu fashilinayo hirgelinta qodobadii ka soo baxay shirarkii Dhuusamareeb 1 iyo 2, isla markaana carqalad ku noqonaya natiijo kasta oo ka soo baxda shirka Dhuusamareeb 3.

War-saxaafadeedka ayaa lagu soo bandhigay 7 shuruudood oo Puntland ku xirtay ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb, kuwaasoo ay ka mid yihiin in marka hore Farmaajo uu Magacaabo RW iyo xukuumad cusub oo fulin karta heshiisyada la gaaro iyo in wakiilada beesha caalamka ay goob joog ka noqdaan shirka.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka oo dhameystiran:- 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -