Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiyaha Aqalka sare oo si caro leh uga jawaabay hadal kasoo yeeray Madaxweyne Farmaajo

Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo saakay ka hadlay fadhi ay lahaayeen Xildhibaanada Aqalka sare ayaa si caro leh uga jawaabay hadal shalay kasoo yeeray Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay xili uu khudbad u jeedinayay Xildhibaanada golaha shacabka sheegay in shacabka iyo dowlad goboleedyadaba ay matalaan Golaha shacabka ayna kusoo celin doonaan Heshiisyada kasoo baxa Shirka Dhuusomareeb

Gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo marka hore looga baahan yahay in uu akhriyo Dastuurka , waxa uuna sheegay in dalka dastuur u yaalo cid walbana howl u xil saaran tahay.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Xildhibaanada Aqalka sare ee matalaan dowlad goboleedyada dalka ka jira ayna soo doortaan Xildhibaanada dowlad goboleedyada leeyihiin, waxa uuna ugu baaqay Madaxweynaha in si fiican Dastuurka u akhriyo.

”Waxaan u maleenayaa madaxweynha wali in uusan akhrin Dastuurka, waxaan usoo jeedinyaa in uu marka hore akhriyo dastuurka dalka u yaal si uu wax badan u kala ogaado” ayuu yiri Gudoomiyaha Aqalka sare.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo shalay kasoo yeeray ayaa kusoo aadaya xili khilaaf xoogan kala dhaxeeyo Gudoomiyaha Aqalka sare, waxa uuna Madaxweynaha u muuqdaa mid meesha ka saaraya awooda iyo jiritaanka Aqalka sare oo ah Hay’ad Dastuuri ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo katirsan maamulka Puntland oo qarax lagu dilay

Cabdi Cade

Heshiisyo waa weyn ay gali rabeen Masuuliyiin katirsan Dowladda oo la joojiyay

Cabdi Cade

Ilhan Omar oo mar kale Dood iyo caro ka abuurtay gudaha Mareykanka kadib markii ay ….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---