Madaxweyne Deni oo si diiran loogu soo dhoweeyey degmada Galdogob (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Deni ayaa waxaa duleedka Galdogob kaga hortagay waxgarad iyo dadweyne ka tirsan degaanka isagoo ka dibna kulan la qaatay bulshada degmadaas.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa inta uusan gaarin Galdogob dhagax dhigay Rugta Booliska iyo Mashruuca balaarinta Dugsiga Hoose/Dhexe degaanka Xero-Jaalle oo hoostaga degmada Galdogob.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay soo gaareen Xero-Jaalle waxaa si weyn u soo dhoweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada,

Intii uu ku sugnaa deegaanka Xero Jaalle Madaxweyne Deni, wuxuu kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada oo uu ka dhegaystay baahiyahooda, waxaana markiiba uu Madaxweynuhu ka jawaabay baahida ugu weyn ee ay soo gudbiyeen dadka deegaanku isagoo faray Hay’addaha ay khuseyso in magaaladdaasi la geliyo sida ugu dhakhsiyaha badan Soolar-ka cadceeda ka dhaliya Korontada.

Wefdiga Madaxwaynaha waxa ka mid ah wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan xukuumada, la’taliyayaasha Madaxwaynaha, Saraakil ciidan iyo Masuuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -