Xisbiyada kumeel gaar ah ee dalka ka jira ma burburinta dalka  ayaa loo dhisay mise?

Su’aashaan is-weydiinteeda waxaa suuragal ah in dad badan oo Soomaaliyeed ay ka dhex guuxeyso, waana sababta keentay in ciwaan aan uga dhigo qormadeydaan aan uga hadlayo hab-dhaqanka xisbiyada kumeel gaarka ah ee dalkeenna Soomaaliya ka jira.

Hordhac

Xisbi siyaasadeed, si caadi ah waxaa dhista dad isku aragti ka noqda qaabka ay u doonayaan in loo hago dalka ay ka jirayaan, inta bandanna soo baxa xilli uu talada dalka hayo xisbi kale oo ay doonayaan in ay doorashada uga adkaan, dalkana u hoggaamiyaan qaabka ay ku haminayaan iyo aragtida ka dhex guuxeysa.

Sidaas oo ay tahay, axsaab kasta oo dal ka wada dhisan hadii ay ahaan lahaayeen mucaarad iyo xisbiga talada haya, waxaa lagama maarmaan ah in ay ka wada shaqeeyaan danaha qaranka oo ay lama taabtaan u wada noqoto, hase yeeshee lagu tartamo horumar iyo mustaqbal ifaya.

Hab-dhaqanka xisbiyada noo dhisan

Inkasta oo xisbiyada noo dhisan ay 50 ka badanyihiin lana sugayo in diiwaanka si KMG ah loogu qoro kuwa kale oo badan, waxaa jira qaar kamid ah axsaabta shahaadada ka heysta guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka oo hab-dhaqankoodu uusan wax badan ka duwaneyn kooxaha dagaalka kula jira jirintaanka qarannimada ee maalin waliba daadiya dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Burburka dalku soo maray saameyn miyuu ku leeyahay hab-dhaqankaan?

Barashada cilimiga aadanaha marka laga hadlayo (Sociology), waxaa jirta qaacidda dheheysa “Bulshada ayaa bini’aadam kaa dhigta, society makes you human” oo macnaheeda rasmiga uu yahay in qofku uu la qabsanayo dhaqanka meesha uu kusoo garaadsaday, hab fikirkiisuna uu ku saleeyo.

Hadii aan dib u laabanno 40-kii sano ee lasoo dhaafay, dalkeenna marka mucaarad la maqlo waxaa qof waliba kusoo dhacayay koox hub heysata oo duurka ku jirta oo dooneysa in qoraga caaraddiisa ku raadiso waxa ay aaminsantahay ama la gudboon in ay sameyso, arrintaas oo baal marsan mucaaradka saxda ah ee dal lahaan karo.

Khalfiyadaas dambe ee aan waanagsaneyn iyada oo ay ka taagantahay dalkeenna, ayey billaabatay dabeysha cusb ee xisbiyada badan, waxaana tusbax go’ay noqday furashada xisbiyada magacyada qurxoon wata hase yeeshee badankood lagu hoggaaminayo hab-dhaqanka wax duminta ku saleysan.

Maxaa Caddeyn u ah in xisbiyada Qaar ay wax dumin u dhisanyihiin?

Maadaama aysan suuragal aheyn in wax kasta hal qoraal lagu soo koobo waxa aan tusaale kooban u soo qaadaneynaa dhacdooyinka ugu wayn ee hadda dalka ka jira oo ay kamid yihiin xasaradda Jubaland iyo qorshaha dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Jubaland oo kamid ah dowlad gobaleedyada dalka, waxaa hareeyay khilaafaad horseeday in sedax madaxweyne lagu doorto magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah u ah maamulka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo dalka dhan mas’uul ka ah waxa ay caddeysay mowqifka ay ka taagantahay waxa ayna diiday dhammaan najiijooyinka kasoo baxay doorashooyinkaas kala duwan, sidoo kale beesha caalamka ayaa diiday habkii loo maray doorashooyinkaas.

Dowladda Kenya ee deriska nala ah ayaa si cad u sheegatay in Axmed Madoobe oo kamid ah sedaxda madaxweyne ay wadato iyada oo ciidankeeda dalka u joogay nabad ilaalinta u bedeshay ciidan isaga waxa uu doono sameeya, kana tallaabsatay shuruucda u yaalla ciidamada nabad ilaalinta.

Qaar kamid ah xisbiyada oo la aaminsanyahay in hoggaankooda ay kamid yihiin mas’uuliyiintii horumuudka u ahaa in Kenya ay dalka Soomaaliya qayb kamid ah sheegato, ayaa taageeray Axmed Madoobe iyo rabitaanka dowladda Kenya, iyaga oo ka dhiganay dariiq ay hoggaanka dowladda uga soo hor jeestaan.

Dhanka kale, Galmudug oo in badan soo dabaalaney muran iyo khilaafaad ayaa dowladdu u istaagtay in ay wax ka qabato, waxaana ilaa hadda la xaqiijiyay guulo wax ku ool ah oo muujinaya in ay wax aan suuragal aheyn suuragal loo bedelay.

Qaar xisbiyada kamid ah oo ay ku jiraan kuwii Axmed Madoobe iyo Keyna ku taageeray wixii Kismaayo ka dhacay ayaa qoraal ay soo saareen ku muujiyay sida ay u diidanyihiin dhismaha Galmudug loo dhanyahay oo ka shaqeysa danaha reer Galmudug.

Magac iyo Astaan xisbi iyo hab-dhaqan koox maafiya ah

Dhammaan ficilladaan iyo kuwa kale oo la diwan geliyay waxa ay muujinayaan in xisbiyada ay hoggaamiyaan shaqsiyaadka dalkaan xilalka kala duwan uga soo qabtay oo qaarkood xilliyadii ay shaqeynayeen dalkaan u abuuray mushkiladaha ilaa hadda la xallin la’yahay ay magaca uun xisbi ka yihiin hase yeeshee dhaqankoodu uu lamid yahay kuwa hubka u sida duminta dowladnimada

Intee isaga egyihiin Xisbiyada iyo Al-shabaab?

Al-shabaab oo farac ka ah ururka Al-qaacida waxa ay in ka badan 10 sano u soo taagneed hagardaameynta horumarka, sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed, waxa ayna her iyo habeen waqti ku bixisaa sidii ay ku guul uga gaari laheyd ficilladdeeda gurracan, Soomaaliyana ay uga dhigi lahed meel dunida kale looga duulo.

Xisbiyada Qaar oo ay dhammaan hoggaamiyaan shaqsiyaad dalkaan xilal kala duwan kasoo qabtay guul ay gaarsiiyeen oo la taaban karo ilaa hadda aan la diiwaan gelin waxa ay kooxaha hubka u sita duminta dowladda kala simanyihiin diimada horumarka iyo taageerada xumaannta.

Xisbiyada iyo Shabaabku maxey ku kala duwan yihiin?

Shabaab waa koox hubeysan oo dagaalkoodu cadyahay hase yeeshee xisbiyadu maaha koox hub wadata Shabaabku waxa ay ku jiraan liiska Argagaxisada hase yeeshee xisbiyadu waxa ku jiraan liiska xisbiyada talada dalka u ordaya.

Shabaabku dhiig ayey daadiyaan waana sheegtaan, hase yeeshee xisbiyadu sidaa maaha Tababarta dowladda ayaa diideysa ee Shabaabka looma ogola in ay  yeeshaan xarumo la wada ogyahy, hase yeeshee xisbiyadu waxa ay leeyihiin xarumo ay ku howl galaan Shabaab waxa ay ruqsad ka heystaan Al-qaacida, Hase yeeshee xibiyadu waxa diiwan geliyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka.

Shabaabku Howdka ayey ku jiraan hase yeeshee xisbiyadu magaalooyinka ayey ka dhisanyihiin Shabaabku Shacabka ay xoog ku baadaan, hase yeeshee xisbiyadu ma baadaan.

Gunaanad

Gebagebadii, Dhallinyarada Soomaaliyeed oo bulshada ka ah boqolkiiba 75%  waxa aan ku boorrinayaa in ay baraarugaan oo codkooda kor u qaadaan oo ay iska diidaan ficillada mustaqbalkooda mugdiga lagu gelinayo ayna abaabulaan kulamo ay uga doodayaan farqiga u dhexeeya Shabaab iyo xisbiyada qaar si ay bulshada ugu caddeeyaan cidda dalkaan horumarka la dooneysa ee ay tahay in la taageero iyo cidda ay tahay in la diido waxa ay waddo (Dhallinyaradu waa milkiilayaasha iyo xoogga dalka)

Bulshadeennu waxa ay u baahantahy in wax badan la qoro, ee Faldan qoraal kale samee hadii aad qormadaan  ku aragtay aragtiyo adiga aqristaha ah kula xun, ama ay kula noqoto in ay ka maqantahay aragti ay aheyd in qormadaan lagu xoojiyo.

W/Q Cabdi N Xasan

- Advertisement -