(Akhriso) Maraykanka oo War kulul ka soo saaray xilka ka qaadistii lagu sameeyey Khayre

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay tallaabadii Golaha Shacabka Somalia iyo Madaxweynaha ay kalsoonida kala laabteen Ra’iisul Wasaare Kheyre.

War saxaafadeed ay goor dhow soo saartay  ayay ku sheegtay in talaabadan ay sii kordhinayso xiisada siyaasadeed, ayna wiiqeyso hanaankii wadahadalka ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada.

“Waxaan qaadi doonaa tallaabooyin ka dhan ah qaswadayaasha doonaya inay wiiqaan xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya ma dooneyno in Soomaaliya ay qaado dhabbo qaldan”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

“Mareykanka wuxuu ugu yeerayaa dhammaan daneeyayaasha in ay si iskaashi leh ula shaqeeyaan ayna raadiyaan tanaasul si loo yareeyo halista qalalaasaha dastuuriga ah. Dowladda Mareykanka waxay ku boorineysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha xubinta ka ah federaalka, baarlamaanka, iyo dhinacyada kale in ay sii wadaan wada shaqeynta si loo meel mariyo heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb” ayaa sidoo kale lagu yiri War-saxaafadeedka.

Safaaradda Mareykanka ayaa ugu baaqday dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida, hay’adaha, iyo daneeyayaasha inay ka shaqeeyaan danaha waddankooda halkii ay ka raadin lahaayeen danaha shaqsiyadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -