Siyaasi sheegay in uu socdo Qorshe lagu fashilinayo Shirka Dhuusomareeb iyo Mooshin xilka…

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in uu socdo qorshe ay wadaan Gudoonka Baarlamaanka oo la doonayo in lagu fashiliyo natiijada shirkii ka dhacay magaalada Dhuusomareeb.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Gudoonka Baarlamaanka doonayaan mudo kororsi , waxa uuna xusay in uu socdo qorshe mooshin looga gudbinayo Xukuumada lana doonayo in qaab gacan taag ah lagu rido si eeda doorashada dusha looga saaro.
Halkan ka Akhriso Qoraal uu arintan uga hadlay C/Raxmaan C/Shakuur
Guddoonka Golaha Shacabka ( guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa 1-aad) oo ay muddo xileedkooda 3 bil ka harsantahay ayaa doonayo in uu muddo kororsi sameysto. Waxeyna oggolaasho ka heystaan Madaxweynaha oo raba in uu heshiiskii Dhuusamarreeb ka baxo. Waa mid laga filayey madaxweynaha iyo guddoonka Golaha-ba.
Waxey doonayaan in ay ansixiyaan qorshihii muddo kordhinta ee uu Guddiga Doorashada soo jeediyey, kaddibna xukuumadda eedda la saaro mooshin gacan taag ahna lagu rido.
Ujeedka ugu wayn ee Guddoonka Golaha Shacabka waa in la burburiyo natiijadii ka soo baxday shirkii Dhuusamarreeb oo ay Soomaalidu iyo beesha caalamka taageereen, gaar ahaan Dowladda Mareykanka iyo Midowga Afrika. Waxey kaloo doonayaan in ay carqaladeeyaan shirka lagu balansanyahay 15-ka Agoosto oo isla Dhuusamarreeb ka dhici doona. Tani waa billawgii dhammaadka Golaha Shacabka. Intii rajada ka lahaydna, maanta ayey ka quusan doonaan oo ay si buuxda u taageeri doonaan shirka Dhuusamarreeb.
Waxaana halkaas ku soo afjarmaya doorasho qof iyo cod ah oo ay shacabka Soomaaliyeed ogaayeen in ay aheyd oraah xaq ah, laakiin marin habaabin loola jeeday. كَلِمَةُ حَقٍّ يُرَادُ بِهَا بَاطِلٌ‎.
Shaki iigama jiro in shirka Dhuusamarreeb uu guulaysanayo, Waxaanse ka cabsi qabaa in xildhibaanno badan oo fursad doorasho soo heli kara ay ku lug go’aan marinka qaldan ee Mursal iyo Muuddeey. Haddii fawdaddii iyo gacan taag ku ridistii beenta ahayd loo laabto, waa qof walba taagtii iyo taageeradii, wixii xasilooni dari iyo qalaalse ah ee uu dalku galo masuuliyadeeda Madaxweynaha, Mursal iyo Muudeey ayaa dusha u ridanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -