Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay degmada Buur hakaba

Qarax miino oo ahaa nooca dhulka la dhigo ayaa ka dhacay suuq xoolaha lagu biibiyo oo ku yaalla degmada Buur Hakaba ee gobolka Bay.

Waxaa lala eegtay qaraxan askar ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku sugnaa gudaha suuqa.

Goob-joogayaal Buur Hakaba ku sugan ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu ku geeriyooday hal askari iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen laba kale oo loo qaaday isbitaal ku yaalla Baydhabo.

Ilaa iyo hadda ma cadda cidda sida rasmiga ah ugu dambeysay qaraxa hase yeeshee ciidanka Buur Hakaba ayaa hawgallo ka sameeyay agagaarka goobta qaraxa uu ka dhacay

Qaraxyo miino oo ah nooca dhulka lagu aaso ayaa horey waxay uga dhaceen gudaha degmada Buur Hakaba kuwaasoo khasaare nafeed u geystay askar iyo dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan looga arrinsanayo xaaladdaha guud ee Hirshabeelle oo ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Mahad Salaad: “Farmaajo & Khayre taariikh madow ayay u horseedeen Soomaaliya”

Caydiid Ali

Burcad hubeesan iyo mooto ay adeegsanayeen oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---