Allbanaadir.com
NEWS

Madaxdii hore ee dalka iyo Hogaanka Beesha Mudullood oo kulan xasaasi ah yeeshay (Sawirro)

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan gaar ah la yeeshay Hoggaanka Dhaqanka Beesha Mudullood gaar ahaan Imaam Maxamed Yuusuf Cali Iimaan iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle.

Kulankan ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda dalka, doorashooyinka iyo shirka beesha Mudullood ee lagu dhawaaqay inuu qabsoomi doono siduu u noqon lahaa mid mira dhal ah oo saammeyn wanaagsan ku yeesha aayaha beesha iyo degganaanshiyaha Muqdisho.

Madaxdii hore ee Soomaaliya iyo Hogaanka Dhaqanka beesha Mudullood ayaa si hoose uga wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo sidii beesha isugu xirmi laheyd una raadsan laheyd xaqa ay leedahay.

Hogaanka Dhaqanka beesha Mudulood ayaa u sheegay Madaxdii hore ee Soomaaliya in meel wanaagsan u marayo qaban qaabada shir weyne ay isugu imaanayaan beesha Mudulood oo la filayo in maalmaha soo socda Muqdisho ka furmo.

Madaxdii hore ee Soomaaliya oo hada ku mideesan Madasha xisbiyada Qaran ayaa si weyn uga soo horjeeda qorshe la sheegay in Madaxda dowlada ku doonayaan in doorashada dalka dib loogu dhigo kuna sameestaan mudo kororsi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aqalka cad oo laga helay maaddo sharci darro ah iyo Baaritaano socda

Cabdi Cade

Magacaabista RW cusub, waxa u qorsheysan Farmaajo & Xog ku aadan Doorashada 2021

admin

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Howlgal qorsheesan ku dilay Cabdi Xasan Deer

Cabdi Cade
Taboola Ads ---