Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo soo banidhgtay ciidamo & hub loo diyaariyey sugida aminga Muqdisho (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre, Wasiir Ku-xigeenka amniga Taliyeyaasha NISA iyo Asluubta iyo Duqa Muqdisho ayaa galinkii dambe ee maanta waxay kormeer ku tageen Xarunta dhexe ee Xisbiga halkaasoo lagu soo bandhigay Ciidamo isku dhaf ah oo loo diyaariyay Sugida amniga Muqdisho.

Ciidamadan ayaa la sheegay in loo soo xulay xasilinta amaanka Muqdisho, si looga hortago falalka amnidarro ee mararka qaar ka dhaca degmooyinka magaalada, iyadoo ay fooda nagu soo heyso bisha Ramadaan.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Amniga Gudaha C/naasir Saciid Muuse ayaa kahadlay qorshaha xukuumada ee Ciidamadan Xasilinta caasimada loo diyaariyay. waxaana uu sheegay in hay’addaha amnigu ay ka shaqeeyeen diyaarinta Ciidamadan oo xaqiijin doona amniga Muqdisho iyo deegannada ku dhaw dhaw.

Ra”isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la hadlay Ciidamada,waxaana uu ku baraarujiyey inay mas’uuliyad iska saaraan Sugida Amniga Muqdisho, ayna shacabkooda ka difaacaan kooxo uu ugu yeeray cadow nabadiid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo joojisay Munaasabad maanta lagu soo dhaweyn lahaa C/Raxman C/shakuur

Cabdi Cade

Golaha Wakiiladda Puntland oo saaka gudagalaya wax ka beddelka dastuurka iyo dedaalo socday oo…

Cabdi Cade

Dilal maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---