Allbanaadir.com
NEWS

Taalo Haile Selassie looga dhisay magaalada London la bur buriyay (Daawo Sawirada)

Taalo xasuus ah oo barxadda Wimbledon ee magaalada London looga dhisay hogaamiyihii hore ee dalka Itoobiya Haile Selassie ayaa la bur buriyay galabnimadii talaadada aheyd sida ay shaaciyeen booliiska London.

Warbaahinta dalka Ingiriiska ayaa ku waramaya in taalada ay bur buriyeen boqolaal dhalinyaro ah oo halkaasi isugu soo baxay, dhalinyaradan ayaana dhulka soo dhigay taalada Haile Selassie.

Booliiska magaalada London ayaa war ay soo saareen ku sheegay in baaritaan lagu sameyn doono dhacdadan lagu bur buriyay taalada xusuus ahaanta loogu taagay magaalada London Hogaamiyihii hore ee Itoobiya .

Dhacdadan lagu bur buriyay taalada Hogaamiyihii hore ee Itoobiya Haile Selassie ayaa lala xiriirinaaa rabshadaha ka socda magaalada Adis Abaa iyo magaalooyin kale oo ka dhashay dil loo geestay Fanaan caan ah oo u dhashay Qowmiyada Oromada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Feysal Waraabe” Farmaajo waa ku saxnaa in uu dilo nacaska Cabraxmaan Cabdishakuur”

Cabdi Cade

Maamul cusub oo loo dhaariyey Kastamka Canshuuraha dekedda Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Rag loo heesto in Al Shabaab yihiin kuna sii jeeday Galgala oo maxkamad lasoo taagay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---