Madasha Xisbiyada Qaran oo War ka soo saartay hadalkii ka soo yeeray GMDQ

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa looga hadlay hadal-jeedintii baarlamaanka ee Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka, hadalkaas oo ay Madashu ku sheegtay mid xanbaarsanaa muddo kordhin loo sameeyo hogaanka dalka.

Madasha ayaa ku eedeysay GMDQ in uu ku fashilmay in dalka laga qabto doorasho ku dhacda waqtigii loogu talogalay, sidaas darteedna ay tahay in ay iska cisilaan xilalkooda.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo saaray dhowr go’aan oo ku aaddan soo jeedintii ka soo yeertay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Xaliima yarey. Qodobada ay soo saareen ayaa u qornaa sidan:

1-Madashu waxey ku baaqeysaa in Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinku dhamaantood is casilaan mar hadii ay lumiyeen kalsoonidii shacabka iyo saamileyda siyaasadeed ayna caddaatey iney ku milmeen hoggaanka dalka isla markaana ku fashilmeen qabashada doorasho qof iyo cod ah kuna dhacda waqtigeeda dastuuriga ah.

2-Dastuurka dalku waxuu sugayaa muddo xilleedka hay’adaha dastuuriga ah, waxaana madasha ka go’an iney ixtiraamto isla markaana ku dhaqanto dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

3-Muddo xilleedka golayaasha sharcidajinta waxay ku egtahay 27/11/2020, mana jirto sharci u ogolaanaya iney sameystaan muddo dheereysi.

4 -Madaxweynaha dalka muddo xilleedkiisa dastuuriga waxay ku egtahay 7/02/2021, mana jirto sharci u ogolaanaya inuu maalin dheeri ah ku darsado.Haddaba,waxay MXQku wargalineysaa hoggaanka dawladda, dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo cidkasta oo daneysa geeddi socodka siyaasadda Soomaaliyeed inaan la aqbali karin muddo dheereysi aan sharci ahayn.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa qoraalkooda kaga digay dhibaatada ka iman karta in muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha dowladda, iyadoo intaa ku dartay in muddo kordhintu ay tahay mid lagu jebinayo dastuurka islamarkaana aysan xisbiyada ku mideysan Madashu marnaba ogolaan doonin, sida lagu xusay qoraalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -