Wasiiro & Xildhibaano ka hor yimid Xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir (Akhriso)

Xildhibaano gaaraya 72 oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa ka hor yimid Xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir ee maanta la ansixiyey, waxayna sheegeen inuu sharci darro yahay xeerkaasi oo baal marsan yahay Dastuurka.

142 mudane ayaa oggolaatay in uu Gobolka Banaadir 13 xubnood ku yeesho Aqalka Sare ee Baarlamaanka, Afar ayaa diidday, mana jirin cid ka aamustay.

Xildhibanadan ayaa u badan kuwa kasoo jeeda Puntland iyo Jubbaland, waxaa ku jira xubno kasoo jeeda K/Galbeed, iyadoo ay ka dhex muuqdaan wasiiro ka tirsan xukuumadda oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Farmaajo sida: Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Sadiiq Xersi Warfaa.

Shir jaraa’id oo ay magaalada Muqdisho ku qabtaan ila 10 xildhibaan ayaa laga soo saaray qoraalka lagu diiday metalaadda Gobolka Banaadir, waxayna ku eedeeyeen Guddoonka Golaha Shacabka inuu Dano gaara ka lahaa Xeerkan.

Xildhibaannada ayaa ku doodaya in Xeerarka Mealaadda G/banaadir uu baalmarsan yahay qodobada dastuurka ee 79-aad, 82-aad iyo 83-aad  ee dastuurka. Haddii la rabo in kuraasta aqalka sare la kordhiyo ay tahay in wax laga bedelo qodobka 72-aad ee dastuurka.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka ay soo saareen iyo magacyada xildhibaanada saxiixay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -