Allbanaadir.com
NEWS

Britain oo dad Soomaali ah u Tarxiileysa dalal kale oo Afrikaan ah & sababta ka dambeysa

Waaxda Arrimaha Gudaha ee dalka Britain ayaa ku gacan-sayray inay Soomaalida ka soo jeeda beesha Baajuunta u aqoonsadaan magangelyo-doon sida uu daabacay Wargeyska Vice News.

Dadka Baajuun-ta ee doonaya inay magangelyo ka helaan dalka Britain ayey suurto-gal tahay in loo masaafuriyo dalalka Kenya iyo Tanzania oo aysan wax qoys ama xiriir ah ku lahayn.

Xafiiska Arrimaha Gudaha ee Britain ayaa diidan inay dadkaasi u aqoonsadaan Somali ahaantooda, sababo la xiriira Natiijadda Imtixaanka Luqadda Soomaaliga ee laga qaaday.

Wargeyska ayaa qoray in dadka Baajuun-ta ah ay sheegeen in go’aanka Waaxda Arrimaha dibedda Britain lagu saleeyey wareysiyadii Luqadda ee lala yeeshay iyo iyagoo loo sheegay inay ku hadlaan luqadda Sawaahliga ama tan afkooda Hooyo ee Kibajuni.

Soomaalida Baajuunta ee ku nool dalalka Jarmalka, Holland iyo Jamhuuriyadda Ireland ayaa la sheegay iney soo wajahday caqabad noocaas ah ka dib markii shaki la geliyey iney Soomaali yihiin.

Dadka loo yaqaano baajuunta ayaa ah dad aad ugu hadla luuqad u dhow sawaahiliga, waxayna ku nool yihiin jasiirada Koyamani ka tirsan gobolka Jubada hoose iyo degaano kale oo gobolkaas ka tirsan, iyagoo muuqaal ahaan shabaha dadka u dhashay Kenya  iyo Tanzanianka u dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharax Guuleed oo sharaxay Sababaha keenay amaan darada dalka kusoo korortay

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo booqday goobaha ay ka socdaan Bilic soo celinta Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Meydadka tahriibayaal barafoobay oo laga helay xadka Turkiga iyo Giriiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---