Faahfaahino ka soo baxaya qarax ciidamo Kenyan ah lagu laayey oo ka dhacay Dhoobley

Wararka ka imanaya Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qarax xooggan lala beegsaday baabuur kuwa milatariga ah oo ay saarnaayeen ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ka socda dalka Kenya.

Baabuurkaas milatariga ah ayaa la sheegay inuu ka yimid dhinaca Kenya una soo socday dhinaca magaalada Dhoobley, waxaana uu ka mid ahaa saddex baabuur oo ku jirtay roondo.

Warar aanu ka helnay ilo dhinaca milatariga ah ayaa sheegaya in baabuurkaasi uu gebi ahaantiis burburay.

Ugu yaraan toddoba ka tirsan ciidamada Kenya ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxaasi laba kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo magaciisa qariyey.

Dadka degaanka ayaa iyagu sheegay in qaraxu saameeyey laba baabuur dhimashaduna intaasi ka badan tahay. Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay inay dileen ilaa 15 askari oo reer Kenya ah, Dawladda Kenya ayaan weli ka hadlin weerarkan oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa bilahan ee loo geysto ciidamada Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -