Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal khasaaro kala duwan dhaliyay oo ka dhacay duleedka Dhuusomareeb

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in deegaan lagu magacaabo Bidhaan Dheere oo kuyaalla duleedka magaalada uu ka dhacay dagaal dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ka dhacay Bidhaan Dheere ayaa sababay muran ka dhashay dhul halkaasi kuyaalla oo guri laga dhisayay, waxaana halkaasi isu fara saaray labo maleeshiyo beeleeed oo kasoo kala jeeda dhinacyada dhulka isku heesto.

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhintay dagaalka dhax maray labada maleeshiyo beeleed, waxaa sidoo kale dagaalka ku dhaawacmay tiro kale, waxaana wali xiisad ka jirtaa deegaanka Bidhaan Dheere uu ka dhacay dagaalka dhiigga ku daatay.

Ciidano katirsan laamaha ammaanka ee Galmudug oo ka baxay magaalada Dhuusomareeb ayaa wararku sheegayaan in ay ku baxeen deegaanka dagaalku ka dhacay, waxa ayna ciidamada isku dayayaan in ay kala dhax galaan dhinacyada dagaallamaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Amniga oo fasaxday Banaan baxa beri amarna siisay Booliiska

Cabdi Cade

Ku dhowaad 50 qof oo ku dhintay god dahabka laga qodo

Caydiid Ali

Ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah oo gaaray Gedo lana wareegay Garoonka Diyaaradaha …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---