Dowlada Mareykanka oo digniin ka soo saartay xiisado ka taagan dalka Jabuuti

Safaaradda Mareykanka ee dalka Jabuuti ayaa ka digtay dibadbaxyo hor leh oo ka dhaca dalkaas oo ay jireen maalmahan xiisado ka dhashay sarkaal la xiray.

Dhowaan Jabuuti waxaa ka dhacay dibadbaxyo lagu dalbanayay in la sii daayo Fu’aad Yuusuf Cali oo horay u ahaa duuliye ka tirsan ciidamada cirka ee Jabuuti ka dib markii uu xabsiga isaga soo duubay muuqaal caro badan dhaliyey oo uu ku sheegayo xad gudubyo ay dowladu kula kacday.

“Mucaaradka Jabuuti waxay ku baaqeen in maanta la qabto dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda, dhawaan mudaaharaadyadii ka dhacay halkaas waxaa si buuxda uga falceliyay laamaha amniga, shaqaalaha Mareykanka ee ku sugan Jabuuti waxaa lagula talinayaa inay ka fogadaan goobahaas” ayaa lagu yiri War saxaafadeed kasoo baxay safaaradda.

Safaaradda waxay sheegtay goobaha ay ka dhici karaan dibadbaxyada oo ay ka mid yihiin, xaafadda PK-12, Xayabalaay, Balbala Caadi, Sheekh Muuse iyo garoonka Guuleed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -