Xisbiga dowlada ee Nabad & Nolol oo maanta si rasmi ah loo diiwaan geliyey

Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta diiwaan gelisay Xisbiga dowladda ee Nabad iyo Nolol, iyadoo laga guddoomay document-yada ka mid noqoshada Axsaabta siyaasadeed ee dalka ka jira sida ay sheegayaan ilo wareedyo kala duwan.

Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maalmaha soo socda guddoonsiin doona Xisbiga dowladda shahaadada aqoonsiga ee Xisbigan uu kaga mid noqonayo xisbiyada Siyaasada Wadanka ee ku tartamaya doorashada soo socota.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee xisbiga Nabad iyo Nolol ayaa waxaa laga dhigay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Waxaa weli kala caddeyn mowqifka Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ee doorashada 2021, lamana oga doorka siyaasadeed ee labada nin ay kala qaadan doonaan.

Waxaa jira shaki aan yareyn oo laga qabo sida Raisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ay iskugu raaci karaan cida hogaamineysa xisbigan iyo musharaxa doorashada ku meteli doona, iyadoo la hadal hayo in mid walba uu damac gaar ah kaga jiro hogaaminta xisbiga iyo ka qeyb galka doorashooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -